Boqolaal Jaaliyada Soomaalida Gobolka Ohio iyo kuwo ka yimid gobolada qaar ayaa ka soo qayb galay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loo sameeyay Kooxda qaylo dhaan, waxaana xafladan, oo in badna oo jaaliyada kamid ahi ay ka so qayb galeen, lagu qabtay Hoolka weyn ee RAMADA isla magaalada Columbus ee dalka Maraykanka.

Furitaankii xafladan waxaa ka hadlay Alifihii heesta qayla dhaan Cabdi Shire Jaamac, oo dadka uga mahad celiayay soo dhaweyntooda, asaga oo dhanka kalana dadka tusaaleeyay ahmiyada ay qaranimada iyo midnimadu leedahay, waxana u soo qaatay tusaalooyin, ku wajahan dhibaatada xanunka badan ee ka jirta Soomaaliya & sida aan wali lo dareemin.

Cabdi Shire waxa uu sheegay in dhibaatooyinka ku hareeraysan Soomaaliya ay ka midyihiin in dadka lakala sareeysiiyo, asaga oo aragtidiisa ku cabiray hees cusub oo la baxday (4.5 Bulshayahay hayeelina), oo marka aad dhagaystao aad dareemayso, in kala saraysiinta dadku ay tahay dib u dhaca bulshada, iyo horseedka bur bur loo sii siqo, waxa uu ka hadlay qilaafaadkii u danbeeyay ee ku aadanaa dhinaca dastuurka oo ay ayada laf ahaanteeda ka sameeyeen hees la baxday (Dib u dhiga Dastuurka) waxana u ugu baaqay Soomaalida in ay Midnimo raadiyaan kana baxaan gumaysiga sokeeye ee ay dhexda uga jiraan.

Asli Calansida oo ah gabar caana lagana yaqaan in badan oo caalmakaa si weyna loogu xasuusto shirkii Carta ee lagu doortay C/qaasim, ayaa ayadu xafladan uga timid gobolka TEXAS, ee dalka Maraykanka, waxayna dad weynihii ka so qayb galay xaflada oo dhalinyaro u badnaa ku boorisay in laga shaqeeyo sidii xal loo heli lahaa dhalinyaraduna ay ka faa’iidaystaan fursada qaaligaa ee ay manta haystaan, si ay dalka Bari u anfacaan, Asli waxa ay ahayd gabr ka ilmaysiisay boqolaal dad ah oo meesha isugu yimid kadib marki ay ka ooyday, Heesta 4.5 oo ah hees qiiro wadani nimo xanbaarsan.

Waxaa goobta ka heesayay oo heeso noocwalbaa qaadayay fanaaniin badan oo ay ka mid yihiin:  Sahro Dawo, Ahmed Rasto, Jooqle Shire, C/Nuur Daljir, C/wali, Raage yariisoow Iyo kuwo kale o dadkii meesha ka so qayb galay ku qanciayay heeso xul ah iyo music macaan, waxayna xafladani soo gaba gaboowday xili danbe oo ay jawi dagan ku soo dhamaatay.